DHAGEYSO: Maamulka Khaatuma ”dowladda Soomaaliya xiriirka ayaan ujarnay”

Axmed Xaaji Cali oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Khaatumo  oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maamulka Khaatumo uu go’aansaday in gabi ahaanba xiriirka uu u jaro dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in go’aankan uu yahay mid ay wada gaareen dhamaan mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo.

Maamulka Khaatuma ayaanan jecleysan heshiiska dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ay ku gaareen magaalada Garowe sida uu sheegay wasiirka warfaafinta maamulka Khaatuma Axmed Xaaji Cali.

Heshiiska lagu gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubnaha aqalka baarlamaanka iyo waliba aqalka sare ee ka soo galaya Puntland.