Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in maamulka cusub ee Hirshabeelle looga baahan yahay in ay soo dhisaan xubnaha cusub ee Aqalka Sare u matali doona gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in shaqada kowaad ee Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweynaha ku xigeenka Hirshabeelle ay tahay in ay soo xaqiijiyaan xubnihii dowlad goboleedka Hirshabeelle u matali lahaa Aqalka Sare.
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in xubnahaasi in ay xaqiijiyaan qoondada haweenka oo uu sheegay in qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka ay ku fashilmeen .
Hadalkaan ayaa wasiir Odawaa waxa uu ka jeediyay ka dib doorashadii shalay gelinkii dambe ka dhacday Magaalada Jowhar oo lagu doortay Madaxweynaha iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.


