DHAGEYSO: Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay xuquuqda gobolka Banaadir

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xaqiijiyo xuquuqda gobolka Banaadir uu ku leeyahay xildhibaanada Aqalka Sare iyo sidoo kale Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle aysan Aqbali doonin in la dulmiyo dadka degan gobolka Banaadir.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle ay ka qeyb qaadan doonaan raadinta xuquuqda gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim Aqalka Sare in ay ka dhex muuqdaan xubno matalaya gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayuu ugu baaqay in uu raadiyo xuquuqda gobolka Banaadir.