Xilli dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ay kasoo baxeen deegaano ka tirsan Hir-Shabeelle ayaa waxaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas ay sheegeen inay qorsheynayaan dhismaha Ciidamo ka qeyb qata sugida amniga iyo difaaca deegaanada Maamulkaas.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Cabdiweli Maxamed Cabdi oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in deegaanadii ay Ciidamada Millateriga kasoo baxeen ay geeyeen Ciidamo boolis ah, isla markaana ay caawinayaan Ciidamada AMISOM oo ku sugan deegaanadii ay ciidamada soo baneeyeen.
Waxa uu sheegay Wasiirka in ay rajeynayaan in dhawaan la bilaabo dhismaha Ciidamadaas u gaarka ah Maamulka Hir-Shabeelle, kadib soo bixitaankii Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.
Dhawaan ayay aheyd markii Maamulka Hir-Shabeelle markii ugu hgorreysay loo sameeyey Ciidamo boolis ah,kuwaas oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga sigaar ah deegaanadii ay kasoo baxeen Ciidamada Dowladda.



