Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka Hiiraan ay ku fekerayaan sidii xaasaska Al-Shabaab looga saari lahaa meelaha ay ka taliso dowladda Soomaaliya.
Guddoomiye gobolka Hiiraan ayaa sheegay xaasaska Al-Shabaab iyo carruurtooda ay joogaan magaalada Baledweyne, islamarkaana ay ka fekeri doonaan in magaalada ay ka saaraan si isku meel ay u mariyaan .
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wacad ku maray in maamulka gobolka Hiiraan aysan Aqbali doonin in xaasaska Al-Shabaab ay joogaan Beledweyne.
Waxa uu sheegay dagaalyahanada Al-Shabaab in ay dhibaato weyn ku hayaan dadka kunool Hiiraan , sidaas darteeda dowladda Soomaaliya aysan diyaar u aheyn in ay dhibaateyso caruurta iyo sidoo kale xaasaska Al-Shabaab, laakiin ay hal meel isku geyn doonaan.
Qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa horay u sheegay in degmooyinka ay ka taliyaan ay ka masaafurin doonaan xasaaska Al-Shabaab.


