Iyadoo Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu Saameyn ku yeeshay Fatahaada Wabiga Shabeele iyo Dagaal beeleedyadii ka dhacay dhowaan ayaa Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo Idaacadda Risaala la hadlay waxa uu ka warbixiyay xaalada Guud ee magaalada Beledweyne.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan xukuumada ay kaalin muuqata ka qaadatay gar gaarka loo fidiyay dadka uu saameeyay fatahaada wabiga Shabeele.


