Wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in la dilay gudoomiyihii Haweenka ee gobolka Mudug Marwo Dhudi Yuusuf.
Wararka ayaa sheegaya in ay dabley hubeysan geysteen dilkaas, oo ay Gudoomiyaha ku dileen gurigeeda hortiisa ka hor intii aan la aadin Afurka Maqribnimo.
Ciidamada Amniga ayaa tagey goobta, ilaa haddana ma jirto cid loo qabtay dilkan, iyadoo uu yahay markii ugu horeysay ee uu ka dhaco Gaalkacyo tan iyo markii ay bilaabatay bisha Barakeysan ee Ramadaan.


