Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay Rag la sheegay iney dadka shacabka ah ku dhacaayeen magaca Hay’ada nabad sugida Soomaaliya.
Sidoo kale Maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta usoo bandhigay ragaasi.
Ragaan ayaa waxaa la sheegay in xilliyada Habeenkii ah ay dhac u geysan jireen shacabka ku nool degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Ragaan ayaa sidoo kale la sheegay in ay shacabka degmada Yaaqshiid ka dhici jireen Mobeylada, Kumbiyuutarada, lacagaha ay wataan iyo agabyo kale.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ragaan la marsiin doono Maxkamada isla markaana sharci la soo taagayo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in magaca Ciidanka qaranka shacabka Muqdisho lagu dhibaateeyo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-


