Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo gudoomiyayaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa Maanta ka shiray dardar galinta Canshuuraha iyo sugidda amniga caasimada muqdisho.
Sidoo kale waxay ka shireen hormarinta iyo nadaafadda caasimada muqdisho, iyo sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen laamaha amaanka gobolka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdi fataax Cumar Xalane oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulanka iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee loogu hadlay.
Sikastaba ha ahaatee maalmihii udambeeyay ayaa maamulka gobolka Banaadir waxa ay wadeen dardargalinta howlaha guud ee gobolka.
Halkaan ka Dhagayso


