Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana kulanka looga hadlay amaanka caasimada magaalada Muqdisho.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka looga hadlay amaanka dalka sidoo kalena lagu heshiiyay in si wadajir ah looga hortago falalka amni daro ee mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sidoo kale sheegay in la soo hadla qaaday suurtagal ahaanshaha in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay isbaarooyin dhigtaan wadooyinka qaar ee Muqdisho taasina si qoto dheer looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in Gudoomiyihii degmadiisa isbaaro lagu dhigto oo dhac lagu geysto in xilkiisa uu ku weyn doono.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa horey usheegay in magaalada Muqdisho ay ka mamnuuceen dhigashada isbaarooyinka, waxaana Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu sheegay in Gudoomiyeyaasha degmooyinka ay ku dadaalaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Askarta isbaarada dhigata.


