Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga, xilli ay marayeen xaafada Taleex ee degmada Hodan.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in cadaalada la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay weerarkii shalay lagu dilay muwaadiniin u kala dhalatay Turkiga iyo Soomaali.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaan qadka telefoonka kula xiriirnay si aan wax badan kaga ogaano sida ay wax u dhaceen.


