Beledxaawo-RisaalaFM- Maamulka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waalidiinta degmadaasi ku nool iyo hareeraheeda waxa uu kaga digay ciidanka dowladda marka ay soo qabtaan rag ka tirsan ururka Al-shabaab in waalidiinta aysan soo daba kici karin ragaasi.
Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Yuusuf Maxamed C/qaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan waalidiin badan oo marka Al-shabaab gacanta lagu soo dhigo isku dayaya in ay udoodaan islamarkaana ay meesha ka saaraan kamid ahaanshaha in caruurtooda ay ku jiraan ururka Al-shabaab.
Wuxuuna digniin ujeediyay xubnaha isku dayaya in ay udoodaan ururka Al-shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey uga digay in Waalidiinta, Mas’uuliyiinta dowladda ka tirsan iyo Odayaasha intuba in ay udoodaan qof ka tirsan ururka Al-shabaab oo hey’adaha amniga ay gacanta ku soo dhigaan.


