DHAGEYSO: Ahlusunna oo eedeeysay dowladda Soomaaliya

Maamulka Ahlusunna ayaa eedeeyn kulul u jeediyay dowladda  Soomaaliya , waxaana ay sheegeen madaxda maamulkaasi in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha  maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee waqtigeedii uu dhamaatay aysan dhisin ciidan difaaci karo dadka iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka AMISOM aysan ka faa’idaysan dowladda Soomaalida ,madaam uu sheegay sababta ciidanka AMISOM loo keenay  dalka in ay aheyd in lagu dhiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed.

Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna ayaa sidoo kale sheegay in ay nasiib daro ay tahay in meelihii ay ka baxeen ciidanka dowladda Itoobiya ay dib u qabsadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Maamulka Ahlusunna ayaa kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Galmudug oo ka dhisan gobolada dhexe , waxaana inta badan ay eedeeyn kulul u soo jeediyaan madaxda dowladda Soomaaliya.