DHAGEYSO: Maamulka Aadan-Yabaal oo ka hadlay Xaalada Caawa ee degmadaasi

Maamulka  degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faahfaahin ka bixiyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay caawa ku sugan yihiin degmada Aadan-yabaal,islamarkaana ay halkaas ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga degmada Aadan-yabaal.

Maamulka Aadan-yabaal ayaa sheegay in degmada ay ka jiraan biyo la’aan baahsan, madaam ay Shabaab qarxiyeen ceelashii biyaha ee degmadaas.