DHAGEYSO: Labo ruux oo ku geeryootey Ceel biyood

Bacadweyn-RisaalaFM- Deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug ayaa waxaa ku geeryootey Labo ruux kadib markii ay ku dhaceen ceel biyood.

Sababta ay ceelka ay ugu dhinteen Labada ruux ayaa lagu sheegay in ay doonayeen in ay biyo uga soo dhaamiyaan Geel ay la socdeen, taasina ay suuragali weyday oo labadooduba ay ceelka ku dhintaan.

Gudoomiyaha deegaanka Bacadweyn Fu’aad Yaasiin Maxamed ayaa sheegay in Labada ruux ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah.

Waxaana uu sheegay in Labada ruux ay geeryoodeen oo ceelka laga soo saaray, isagoo tilmaamay in isla maanta lagu aasi doono deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug.

Dhowaan ayay aheyd markii sidan oo kale Saddex ruux gobolka Mudug ugu geeryoodeen kadib markii ay ku dhaceen Baraakta Biyaha.