DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo la wareegtay deegaanka Yaaq Baraawe

Baay-RisaalaFM- Ciidamada Booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay.

Deegaanka Yaaq Baraawe ayaa waxa uu 30 KM ujiraa degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la wareegay deegaanka Yaaq Baraawe kadib markii ay weerar ku qaadeen Dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab oo ku sugnaa deegaankaasi.

Xasan Maxamed Cabdi Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan sidoo la doonayay in Shabaab looga saaro deegaanka Yaaq Baraawe iyo waliba deegaano kale oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Baay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalkan uu qeyb ka ahaa howlgallo maalmahan ka socday Koonfur Galbeed.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli dhowaan uu weerar ka dhacay deegaan lagu magacaabo Wardiile oo ka tirsan gobolka Baay, waxaana ku geeryoodey ilaa iyo 14 Qof oo shacab ah.