Wasiirka hub ka dhigista dhaqancelinta iyo tababarada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed in ay qorsheynayaan sidii ay kaga bilaabi lahaayeen howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ee ka kala tirsan gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose sidii deegaanadaas looga bilaabi lahaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab.
Waxaana uu tilmaamay inta uu howlgalka socda in deegaanadaas ay ka mamnuucayaan mootada, isagoo sheegay in dadka amni darada wada ay ku gambadaan.
Waxa uu hadalkan wasiirka hub ka dhigista dhaqancelinta iyo tababarada maamulka Koonfur Galbeed uu ka sheegay xilli tababar loo soo gaba gabeenayay cutubyo ka tirsan ciidanka militariga maamulka Koonfur Galbeed.


