Sheekh Axmed C/laahi Fanax Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa ka hadlay wareegtadii dhowaan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo xilka looga qaaday Gudoomiyiha Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf.
Sheekh Fanax ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan go’aankii uu qaatay madaxweynaha oo uu xilka kaga qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.


