DHAGEYSO: Koofur Galbeed oo amar kusoo rogtay xaasaska Al-shabaab

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku amray dadka ka tirsanaa Alshabaab ee ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay iney iska diiwaan geliyaan xarumaha maamulka koofur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Gudiga amniga ee maamulkaasi oo dhawaan uu sameeyay madaxweynaha koofur galbeed ayaa soo saaray amarkaasi oo ku wajahnaa xaasaska Al-shabaab iyo xubnaha kale ee magaalada ku sugan.

Wasiirka maaliyada maamulka koofur Galbeed Sheikh Xasan Lug-buur oo kamid ah xubnaha gudigaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay xubnaha Al-shabaab ka tirsanaa iney iska diiwaan geliyaan laamaha amaanka ee maamulkaasi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkaasi uu damaanad qaadi doono amaankooda, laakiin dadka aan is diiwaan gelin loo aqoonsan doono iney yihiin kuwa ka dambeeya amni darada magaalada Baydhabo.

Gudiga amaanka ee maamulka koofur Galbeed ayaa sheegay in arimahaasi loogo  leeyahay xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo.