Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka gobolada Waqooyi oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sababta ay wali hakad ugu jirto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi qaarkood oo aan wali la dooran.
Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sheegay in khilaaf uu ka jiro doorashada xubnaha dhiman ee Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ,islamarkaana ay ku howlan yihiin sidii arintaasi loo xalin lahaa.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland ay ka dhiman yihiin 5 kursi , islamarkaana qaabkii loo qeybsan lahaa shantaasi kursi uu muran ka jiro.
Jaamac Maxamed Qaalib ayaa xusay in Qaar ka mid ah beelaha xildhibaanada ka helay Golaha shacbiga ay doonayaan in hadana xubno ku yeeshaan Aqalka Sare.
Ugu dambeyntii gudoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ay dib uga bilaaban doonto Muqdisho marka la xaliyo khilaafka jira.


