DHAGEYSO: Dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhiban dalka Talyaaniga

Dhibaato adag ayaa haysata dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalka Talyaaniga, kadib markii uu gubtay hooygii ay seexan jireen, xilligaana aysan haysan meel ay seexdaan.

Dhalinyaradan oo gaaraya 130 dhalinyaro Soomaali ah oo qaab tahriib ah ku galay dalka Talyaaniga, ayaa waxa ay deganaan jireen guri la sheegay inuu asalkiisa yahay Bililiqo, balse guriga isaga oo sidaasi ah ayaa dab qabsaday.

Cabdicaziiz Cabdullaahi Abtidoon oo ka mid ah dhalinyarada Somaliyed ee ku dhiban Magaalada Firenze ee dalka Talyaaniga, ayaa sheegay iyaga oo ku nool guriga bililiqada inuu dab qabsaday gurigaasi, kadibna uu ka gubtay hooygooda.

Waxa uu sheegay inay dhigeen Banaanbax ay dowladda uga dalbanayeen helida hooy ay seexdaan, balse Booliska dalka Talyaaniga ayaa waxaa dhexmaray dagaal, kadib markii Booliska ay ka soo horjeesteen banaanbaxa ay dhigayeen dhalinyaradaasi.

Qaar ka mid ah dhallinyaradan Somalida ah ayaa BBC-da u sheegay in hadda ay seexdaan garoon kor ka dedan oo kubadda koleyga lagu ciyaaro, dhibaatada ugu darranna ay tahay in ay awoodi la’ yihiin in ay aastaan wiil uga dhintay dab ka kacay guri ay deganaayeen.

Cabdicaziiz Cabdullaahi Abtidoon, ayaa sheegay tirade dhalinyarada Soomaalida ah inay gaarayaan 130 dhalinyaro ah oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira.

Dhalinyaradan ayaa ka kala tagay deeganada dalka Somaliya, kuwaasi oo door biday inay nolol wanaagsan ka helayaan dalka Talyaaniga.