DHAGEYSO: Kheyre oo la kulmay Hay’addaha Ammaanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan deg deg ah waxaa uu la qaatay Hay’adaha Ammaanka ka dib markii Qarax uu shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Hay’adaha kala duwan ee Ammaanka wax ka waydiiyay Qaraxii ka dhacay degmada Wadajir ee ay ku dhinteen dadka badan.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah wax looga qabto Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dowladda Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Saxaafadda u sheegay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay sidoo kale booqdeen isbitaallada la geeyay dadkii dhaawacmay.