Kismaayo-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shalay gelinkii dambe koormeer ku tagay Dekeda Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinaayay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Mudane Khayre ayaa warbixin ka dhageystay howl wadeenada iyo Masuuliyiinta Dekeda Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha ka socda Dekeda Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in gudaha Dekeda ay yaallaan Maraakiib dagaal oo ciladeysan, waxa uuna dowladda ka dalbaday in ay ka taageerto sidii loo hormarin lahaa Dekeda Kismaayo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u mahad celiyay Maamulka Jubbaland, howl wadeenada iyo Masuuliyiinta Dekeda Magaalada Kismaayo.



