Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Duleedka Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray Labada dhinac.
Wariyaha Risaala ee Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya labada dhinac in aysan ku sugneyn goobtii lagu dagaalamay, oo ay haawaneyso.
Dadka shacabka ah ee ku nool Degmada Afgooye ayaa walaac xoogan ka muujiyay Dagaalkan, waxaana ay dareemayaan cabsi fara badan.
Wararkii ugu dambeeyay waxaan ka wareysanay Wariyaha Risaala ee Magaalada Afgooye Axmed Abuukar Sabriye.


