DHAGEYSO: Khaatuma oo sheegtay in ciidamadooda ay gacanta ku hayaan Buuhoodle

Wasiirka warfaafinta maamulka Khaatuma Axmed Xaaji Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa beeniyay in ciidamo hubeysan ay la wareegeen magaalada Buuhoodle.

Ciidamo hubeysan ayaa shelay la wareegay kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka Khaatuma.

Waxaana uu sheegay in wararka sheegaya ciidamo hubeysan in ay la wareegeen magaalada Buuhoodle ay arintaasi tahay mid been abuur ah, iyadoo uu tilmaamay in hada Buuhoodle ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan maamulka Khaatuma.