DHAGEYSO: K/Galbeed oo magacowday Guddi Abaaro

Baydhabo-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka hortagaya Abaaraha saameeyay Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka War-faafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Guddigan in uu magacaabay ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi.

Guddigan ayaa waxa uu ka shaqeyn doonaa dadka ay sameeyeen Abaaraha, sida uu sheegay Ugaas Xasan Cabdi oo ah Wasiirka War-faafinta Maamulka Koonfur Galbeed.

Magacaabista Guddigan ayaa ku soo aadeysa xilli Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose oo uu ka taliyo Maamulka Koonfur Galbeed ay ka jiraan Abaaro daran.