DHAGEYSO: Kalfadhiga 37 Ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmay

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa maanta furay kala fadhigii 37 aad ee baarlamaanka maamulka Puntland.

Kala fadhiga ayaa maanta waxaa goobjoog ahaa madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey, saraakiil ciidan, waxgarad iyo culimo.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa goobta ka jeediyay khudbad aad u balaaran oo uu ka hadlaayey xaalada amman iyo sidoo kale doorashooyinka sanadkaan lagu wado in ay ka dhacaan  Soomaaliya.

Xubnaha baarlamaanka Puntland ayaa bilaabi doono in ay su’aalo weydiiyaan madaxda maamulka Puntland maalmaha soo socda.