Kismaayo-RisaalaFM- Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay fasaxeen in ka badan 2,000 oo Qaxooti ah kuwaas oo ku jiray xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ee Dalka Kenya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo waliba Madaxda Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa isku afgartay in Deegaanada Jubbaland dib u dejin loogu sameeyo in ka badan 2,000 oo Qaxooti ah kuwaas oo ku jiray xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ay isku afgarteen dib u dejinta Qaxootiga.
Maxamed Warsame Darwiish Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale wuxuu sheegay Dhaqaalahga ku baxaya Qaxootigan in ay bixineyso Hay’ada UNHCR.


