Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay Gawaarida aan Taarigada laheyn in uu ka mamnuucayo Degaanada Maamulkaas uu ka taliyo.
Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka ee Maamulka Jubbaland Yuusuf Maxamed Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay go’aankan in uu ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland.
Waxa uu Gaadiidleyda ku amray 1-da Janaayo wixii ka horeeya in ay ku goostaan Taarigada, cidii aan sidaas sameyna waxa uu sheegay in ay ka qaadi doonaan Talaabo adag iyo ganaax lacageed.
Yuusuf Maxamed Cali Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay ogyihiin Baabuur Taarigada ku xiran iyo Lambarkooda uusan islaheyn, taasina aysan u dulqaadan doonin.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay Talaabadan looga hortagayo Baabuurta aan Taarigada laheyn in ay ka qeyb qaadaneyso amniga iyo in laga hortago weerarada mararka qaar lagu geysto Baabuurta aanu ku xirneyn Aqoonsiga.


