DHAGEYSO: Jubbaland oo ka hadashay Qaraxa ka dhacay Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax Ismiidaamin ah oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan Isgoyska Xaaji Jaamac ee Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Xasan oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan, sida uu u dhacay Qaraxan.

Waxa uu sheegay Jaamac Axmed Xasan Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland in uusan jirin Qof kale oo ay waxyeelo ka soo gaartay Qaraxan, marka laga reebo ninkan is Qarxiyay.

Lama oga bartilmaameedka uu damacsanaa ruuxaasi waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen ee kaligiis ku qarxay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxan Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu noqonayaa qaraxii Saddexaad ee maanta Soomaaliya ka dhaca, kaasi oo ah Ismiidaamin.