DHAGEYSO WAREYSI: Jubbaland oo ka hadashay Qaraxa ka dhacay Kismaayo

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax Ismiidaamin ah oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan Isgoyska Xaaji Jaamac ee Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Xasan oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan, sida uu u dhacay Qaraxan.

Waxa uu sheegay Jaamac Axmed Xasan Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland in uusan jirin Qof kale oo ay waxyeelo ka soo gaartay Qaraxan, marka laga reebo ninkan is Qarxiyay.