Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay askari la sheegay inuu kamid ahaa maamulkaasi kaasi oo la shaqeynayay Al-shabaab oo lagu eedeeyay iney gaarigiisa qarax ugu xireen wasiirka arimaha bulshada Jubbaland.
Saraakiisha amaanka ee Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in ninka lasoo bandhigay uu kamid ahaa ciidamada amaanka ee Jubbaland, kaasi oo la sheegay inuu waxyaabaha qarxa ka qaaday ruux kale uuna ku xiray gaariga wasiirka arimaha bulshada.
Shaqsiga lasoo bandhigay oo saxaafada la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in qaraxa lagu xiray gaariga wasiirka arimaha bulshada uu kasoo qaaday ruux kale, loona balan qaaday lacag badan, sida uu sheegay.
Dhinaca kale saraakiisha amaanka ee Jubbaland oo dhankooda saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay sidoo kale ku raadjoogaan shaqsiyaad kale oo la tuuhunsan yahay iney falkaasi ku lug lahaayeen.
Dhamaadka todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii waxyaabaha qarxa lagu xiray gaariga wasiirka arimaha bulshada Jubbaland, kaasi oo qarxay kahor inta uusan wasiirka raacin.


