DHAGEYSO:-Jubbaland oo sheegtay in howlgal ku dishey Xubno ka tirsan Shabaab

Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Bandheedhe gobolka Jubbada Hoose,waxaana Maamulka Jubbaland uu faah faahin ka bixiyey howlgalladaas.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland ay ka war heleen weeraro ay qorsheynayeen Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Ciidamada Daraawsiihta Jubbaland ay howlgalka ku dileen 9 Xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigey.