Kismaayo-RisaalaFM- Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgallo ka dhana ah ururka Al-shabaab waxa ay ka sameeyeen deegaano hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa la arkayay ciidamada oo howlgallo ka wada wadooyinka iyo deegaano dhowr ah.
Taliyaha ciidamada maamulka Jubbaland Aadan Koojaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgaladan ay yihiin sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada Jubbooyinka.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in mudooyinkan dhow ay qorsheynayaan in Al-shabaab ay ka saaraan guud ahaan deegaanada Jubbooyinka, sidoo kalena ay tagaan guud ahaan deegaanada Al-shabaab ay fariisimaha waa weyn ku leeyihiin.
Dhowaan ayay aheyd markii Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay in ay bilaaban doonaan howlgallo Al-shabaab la doonayo in looga saaro deegaanada Jubbaland.


