Beledweyne-RisaalaFM- Korneel Xasan Jaamac Taliyaha Ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay Deeq Dawo ah oo ay gaarsiiyeen dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka ee jiifa isbitaalka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan in dadkaasi ay ka soo bogsadaan cudurka soo ritay islamarkaana ay gaarsiiyaan waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Korneel Xasan Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in qeybta kale ee Dawooyinkan la gaarsiin doono isbitaalka Magaalada Buula-burde oo ay jiifaan bukaano badan maadaama qeybta hore la gaarsiiyay maanta isbitaalka Magaalada Beledweyne.
Dad badan oo uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka ayaa jiifa isbitaalada Magaalooyinka Buula-burde iyo Beledweyne ee gobolka Hiiraan.


