Australia-RisaalaFM- Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Australia ayaa waxa ay dhigeen banaan bax ay kaga soo horjeedaan gabadhii dhowaan isku gubtay Jasiirada Nauru.
Gabadhan ayaa waxa ay ka mid eheyd dadka sida magan galiyada ugu nool Jasiiradaasi.
Sidoo kale Jasiirada Nauru waxaa isbuuc ka hor isku gubay wiil Iran udhashay oo isaguna daruufo ay ku heysteen halkaasi.
Wasiirka socdaalka dalka Australia oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in falkaan ay ka dambeeyaan hey’adaha amniga.
Wariyaheena C/laahi Garfiiq oo magaalada Melboune ee dalka Australia ku sugan ayaa arimahaasi wax ka weydiinay.


