DHAGEYSO: Isbitaalka Banaadir oo qarka u saaran in uu xirmo

Iyadoo dhawaan isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ay gacan ku heyntiisa la wareegtay wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa soo if-baxaya warar sheegaya in guud ahaan isbitaalka uu qarka u saaranyahay in uu xirmo.

Isbitaalka ayaa halis ugu jira in uu xirmo , si gaar ah Qeybta ugu weyn isbitaalka ee ah qeybta lagu daweeyo Cudurka Shuban Biyoodka ayaa qarka u saaran in ay xiranto bacdamaa hay’adihii dhiibi jiray daawooyinka iyo qarashaadka lagala wareegay Isbitaalka.

Sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka ee Isbitaalka Banaadir oo magaciisa kusoo koobay Dr. Cabdirisaaq  ayaa maanta warbaahinta la wadaagay in Isbitaalka guud ahaan gaar ahaan qeybta shuban biyoodka lagu dabiibo ay qarka u saarantahay in ay xiranto.

Hadii guud ahaan Isbitaalka Banaadir ama qeyb kamid ah uu xirmo waxa ay dhibaato xoogan ku noqon doontaa boqolaalka ruux ee lagu dabiibo, haba ugu badnaadaan dadka uu soo rito cududrka shuban biyoodka oo gobalada dalka kaga kala yimaada Isbitaalka.