Abuukaate Ceydiid Ilka-xanaf oo horey u soo noqday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay khilaaf in uu ka taagan 11-ka xubnood ee Aqalka Sare u meteli lahaa Gobolada Waqooyi.
Ceydiid Ilka-xanaf ayaa waxa uu sheegay khilaafka in uu ka dhashay xubnaha qaar Aqalka Sare in lagu soo xulay si musuq maasuq ah, oo dano gaar ah laga leeyahay.
Sidoo kale Abuukaate Ceydiid Ilka-xanaf ayaa waxa uu sheegay isaga iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi in ay gudbiyeen dacwad arrintaasi la xiriirta.
Waxa uu sheegay natiijada dacwadooda in ay ka sugayaan Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo la filyo maalmaha soo socda in ay shir ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.


