Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Deeq Dawo ah gaarsiisay isbitaalada ku yaalla Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) ayaa waxa uu Deeq Dawo ah gaarsiiyay Dadka ku nool Gobolka Shabeelaha Dhexe ee u soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay Deeqdan Dawada ah in ay gaarsiiyeen Isbitaalada ku yaalla Jowhar iyo Mahadaay.
Sidoo kale Wasiir Daallo ayaa sheegay maalmaha soo socda in ay Deeq Dawo ah gaarsiin doonaan Degaano hoos yimaada Maamulka Hirshabeelle.


