Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Dalka Caydiid C/laahi Ilka-xanaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweeynayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo shalay uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Farmaajo.
Waxa uu sheegay aqoonta uu u leeyahay Khayre in ay tahay mid wanaagsan, sidoo kalena uu yahay nin ka shaqeeya arrimaha Bani’aannimada, hadana Soomaaliya ay u baahan tahay arrimahaasi oo kale.
Caydiid C/laahi Ilka-xanaf Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed in uu ugu baaqayo in ay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub, si dadka iyo dalka uu u hormariyo.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay gacmo wadajir in ay wax ku gooyaan, hadii aanay wada shaqeyn jirin inaan waxba la qabsan karin oo la joogayo xaalada hada lagu jiro iyo waliba mid ka hooseysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyaada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaamjo) ayaa shalay Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre, isagoo sheegay in uu ku xushay aqoontiisa iyo kartidiisa, iyo in uu wax ka qaban karo xaalada uu hada dalka marayo.


