DHAGEYSO: Howlgalo ka bilowday gobolka Gedo

Gudoomiye ku xigeenka  gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shaabab.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in howlgaladan ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Waxa uu sheegay in howlgalada ay hada ka socdaan degmooyinka Garbahaarey, Baardheere iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulka gobolka Gedo ay go’aan ku gaareen sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Dhowaan ayay aheyd markii Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ay sheegeen in deegaanada iyo tuulooyinka ka tirsan Jubbaland ay ka bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.