DHAGEYSO: Howlgal lagu soo qabtay Walxaha Qarxa

Baay-RisaalaFM- Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa Howlgal ay sameeyeen waxa ay ku fashiliyeen Miino lagu aasay Garoonka Diyaaradaha ee Degmadaasi.

Maamulka Degmada Bardaale ayaa waxa ay sheegeen Miinadaasi in lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah iyo sidoo kale Ciidanka Dowladda Federaalka.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Degmada Bardaale Cali Cadow Isaaq ayaa waxa uu ka hadlay Walxaha Qarxa ee lagu aasay Garoonka Diyaaradaha.

Waxa uu sheegay in ay wadaan sidoo kalena ay ku raad joogaan ragii ka dambeeyay Miinada lagu aasay Garoonka Diyaaradaha, isagoo sidoo kale sheegay in ay bilaabayaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.