Muqdisho-RisaalaFM- Shirkada ceymiska ee Takaaful ayaa ka hadashay eedeyn ay u jeedinayaan Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho, eedeyntaas oo ku aadan in lacago xad dhaaf ah ay ka qaadaan Gaadiidleyda.
Sarkaal ka mid ah Hay’adda shirkada ceymiska Takaaful oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin lacago xad dhaaf ah oo ay ka qaadaan Gaadiidleyda.
Waxa uu sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in shirkada Takaaful ay lacago baad ah ka qaado Gaadiidleyda Muqdisho, isagoo sidoo kale sheegay in arrintan ay wax ka ogtahay Dowladda Federaalka.
Ugu dambeyntii sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan kulamo ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka hada taagan, oo ay ka cabanayaan Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho.


