Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed oo danaynaysa in ay is casisho

Madaxwaynuhu waxay sheegtay in ay xildhibaanada ka rabto in ay soo koobaan qalalaasaha siyaasadeedImage copyrightEPA

Madaxwaynuhu waxay sheegtay in ay xildhibaanada ka rabto in ay soo koobaan qalalaasaha siyaasadeed

Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye ayaa sheetay in ay baarlamaanka waydiisatay in ay ka caawiyaan hab ay xilka uga dagi karto.

Park ayaa la kulmaysa cadaadis isa soo taraya oo ku aadan in ay is casisho iyadoo bartanka lagaga jiro baaritaanno ku aadan in ay saaxiibadeed u ogolaatay in ay saamayn ku yeelato go’aammo siyaasadeed si ay shaqsiyan uga faaiido.

Waxay sheegtay in ay wax walba u dayn doonto baarlamaanka taas oo ay ka mid tahay mustaqbalkeeda iyo in ay soo koobto wakhtiga xilkeeda, laakiin waxay intaas ku dartay in aysan doonaynin in dalku ku soo dhaco hogaan la’aan iyo in kursigu iska banaanaado.

Jimcihii ayay ahayd in baarlamaanku uu ka doodo in ay mudan tahay in xilka laga qaado.

Laakiin axsaabta mucaaradka ayaa sheegay in madaxwaynuhu ay si sharaf leh isu casisho inta aan halkaas la isla gaarin.

Park ayaa labo jeer oo hore raaligalin bixisay, waxayna sheegtay in ay ka niyad jabtay qalalaasaha siyaasadeed ee ku xeeran, laakiin waxay diiday in ay is casishoto.