DHAGEYSO: Howgallo laga sameeyay degmada Xudur

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo gaar ah waxa Sameeyeen magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan magaalada  in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falalka lidiga ku ah amaan darada.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur Aadan Cabdi Maxamed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegeen in degmada Xudur iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada ay ka sameeyeen howgallo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab .

Horey maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu usheegay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo isku fura wadooyinka udhaxeeya gobolada Baay iyo Bakool.