Wararka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka Maxkamada ciidamada Qalabka sida Qaybta 60-aad ee Gobolka Baay ay ku xukun ku riday 4 ruux.
Afarta Ruux ee xukunka lagu riday ayaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiihn Kooxda dowladda Islaamiga ah ee Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Sida uu sheegay gudoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee gobolka Baay Aadan Abuukar Maxamed raggaasi mid walba oo kamid ah waxaa lagu xukumay 10 sano xabsi ah.
Dadka saaka xukunka lagu riday waxaa ka mid ahaa Wakiilkii Kooxda Daacish ee Magaalada Baydhabo C/Casiis Xasan Mursal.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60 -aad ayaa sidoo kale xukun ku riday Mahad Nuur Siidow oo Daacish u qaabilsanaa Qaraxyada ka dhaca magaalada Baydhabo iyo sidoo kale Maxamed Sheekh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyay in ay Daacish u qaabilsanayeen dilalka qorshaysan ee ka dhaca magaalada Baydhabo.


