Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay amniga magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay howgallo badan oo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo in uu soo hagaagayo amniga magaalada Gaalkacyo.
Waxa uu xusay in Qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay saameeyn ku yeesheen Kaabayaasha dhaqaalaha magaalada , sidaas darteedna bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada kunool Gaalkacyo in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha xarumaha danta guud ee ku burburay Qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ayaa in badan waxaa ka dhaca falal amniga lidi ku ah waxaana magaalada lagu dilay dad badan oo waxtar ulahaa bulshada Kunool gobolka Mudug.


