DHAGEYSO: Hodan iyo Kaxda oo ku tartamay Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo si xiiso leh Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala uu u soconayo ayaa waxaa galabta Tartamay Degmooyinka Hodan iyo Kaxda, waxaana Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala galabta uu galay Maalinkii 15-aad.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa taaba galineysa tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala sanadkan ay qabaneyso.

Degmooyinka Hodan iyo Kaxda ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Degmada Hodan ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Kaxda kadib markii ay degmada Hodan ay keensatay dhibco gaaraya 11 halka Kaxda ay la timid 9 dhibcood.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Hodan iyo Kaxda.

Beri oo Talaado ah Bisha Ramadaan ay noqon doonta Insha Allah 16 ayaa waxaa tartami doona Degmooyinka C/casiis iyo Boondheere.