DHAGEYSO: Hodan iyo Boondheere oo ku tartamay Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda ayaa galabta waxa uu ahaa mid la soo gaba gabeynayay wareegiisa Group-yada, waxaana galabta ku tartamay Degmooyinka Hodan iyo Boondheere.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa taaba galineysa tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala.

Degmooyinka Hodan iyo Boondheere ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Degmada Boondheere ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Hodan kadib markii 8 iyo 2 ay uga adkaatay, waxaana weli degmada Hodan ay heystaa fursado kale maadaama kulankeedii ugu horeeyay galabta ay tartantay.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Hodan iyo Boondheere.

Maalinta beri ah oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 9 hadii uu Alle idmo ayaa waxaa wareega Labaad ee Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala bilaabi doona Degmooyinka Awdhiigle iyo Warta-nabadda.