DHAGEYSO: Hirshabeelle oo sheegtay in dowladdu ay ku heyso Faragelin Qaawan

Ka dib kulan Maanta ay ku yeesheen Magaalada jowhar golaha Wasiira maamulka Hirshabeelle waxa ay kaga hadleen qodobo badan.

Kulanka golaha Wasiirada ayaa waxaa joogay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

kulanka waxaa looga hadlay Xuduudaha maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale Xiriirka dowladda iyo Hirshabeelle.

Wasiirada waxa ay sheegeen in ay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa Saxaafadda u Aqriyay qobada kasoo baxay kulankii Golaha Wasiirada.

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen in tabashooyin badan ay ka qabaan dowladda Soomaaliya.